Tripoli ( Sh. M. Network )-Ciidamada ilaalada xeebaha Badda Liibiya ayaa sheegay in waqooyiga dalkaasi ay ka soo badbaadiyeen illaa 230 ruux oo ay la qalibantay Doonidii ay la socdeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidamada Badda ee dalka Liibiya ayaa lagu xaqiijiyay in xeebaha magaalada Al Qaraboli ay ka samata bixiyeen muhaajiriin tiradooda ay kor u dhaafeysay 200 oo ay ku jireen caruur iyo haween.

Howlgalka lagu soo badbaadiyay muhaajiriintaasi oo badan kood ah Soomaali ayaa waxaa Ciidamada ay ka sameeyeen meel qiyaastii magaaladaasi kaga beegan illa iyo 16 Mile.

Sarkaal ka tirsan dowladda Liibiya ayaa sheegay in dadkaasi muhaajiriinta ah la gaarsiiyay magaalada Tripoli, si halkaasi gargaar loogu fidiyo.

Hay’adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in illaa 785 ruux oo tahriibayaal ay sanadkan ku dhinteen Badda Mediteraneanka, iyagoo doonayay in ay gaaraan qaar ka mid ah dalalka Yurub

Ugu dambeyn dowladda Liibiya ayaa sheegtay in sanadkii tagay xeebaha dalkaasi laga soo badbaadiyay 16,000 oo muhaajiriin ah.