Jowhar (Sh M Network) — Musharax Maxamed Cabdi Waare oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee u tartameysa doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Hirshabelle ayaa gaaray Magaalada Jowhar.

Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magaalada Jowhar.

Musharaxa ayaa si diiran waxaa u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa markii uu Magaalada Jowhar, Dr. Maxamed Cabdi Waare uu halkaasi ka bilaaabay kulamo uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Magaalada Jowhar ayaa ku qul qulaya siyaasiyiin si ay ugu qeyb galaan doorashada madaxtinimo ee lagu qabanayo halkaasi.

Sikastaba, doorashada madaxtinimo ee Maamulka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in maalinta Talaadada ah ee soo socota lagu qabto Magaalada Jowhar.