Jowhar ( Sh. M. Neetwork )-Musharrax Dr Maxamed Cabdi Waare oo ka mid ah Musharrixiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo ka hadlay waxqabadkiisa haddii uu ku guuleysto doorashada Madaxweyne ee Maamulkaas ayaa ballan qaaday in adeegyo horumarineed uu ka sameyn doono deegaanada Maamulka Hirshabelle.

Isagoo ka qeyb galayay Musharrax Dr Maxamed Cabdi Waare dood loo qabtay Musharrixiinta u taagan  qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa soo bandhigay wax qabadkiisa, kadib markii su’aalo kala duwan ay hor dhigeen bulshada Hirshabelle.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in si qoto dheer uu wax uga qaban doono caqabadaha haatan ka jira Hirshabelle.

Dr Maxamed Cabdi Waare waa Aqoonyahan Soomaaliyeed, islamarkaana Waayo arag ka soo shaqeeyay dowladda Dhexe ee Maxamed Siyaad Barre allaha u naxariistee, isagoo kaalin mug leh ka soo qaatay Mashruucii fidinta Beeraha ee Wasaaraddii Beeraha

Waxaana iminka uu daneynayaa haddii uu ku guuleysto in uu majaraha u qabto hoggaanka Hirshabelle uu wax badan ka qaban doono sare u qaadida wax soo saarka deegaanada Maamulkaas oo u badan dhul Beeraley ah.