Columbus ( Sh. M. Network )-Muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu doonayay inuu weerar ku qaado xarun caafimaad oo Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin gobolka Taxes ee dalka Mareykanka ayaa dalbaday in dib loogu masaafuriyo dalkiisa.

Ninkaasi oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa dhawaan Maxkamad ku taalla Gobolka Ohio ay ku xukuntay xabsi gaaraya 22 Sano.

Cabdiraxmaan ayaa Xaakinka Maxkamadda ka codsaday in dib loogu celiyo Soomaaliya isagoo xusay in uusan u dulqaadin karin xabsi markale lagu xukumo,isagoo hore u soo dhameystay 5 Sano oo xabsi ah.

Muwaadinkaasi Soomaaliga ah oo hadda 26 jir ayaa Mareykanka  galay isagoo jira labo Sano, waxaana uusan weli helin sharciga dhalashada ee dalkaasi.

C/raxmaan ayaa waxaa Dacwad oogayaasha ay ku eedeeyeen in uu qorsheynayay in uu u duulo gobolka Taxes, si uu u weeraro xarunta caafimaadka Dowladda ee gobolkaasi.

Cadeymo la horkeenay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in C/raxmaan uu dhowr Sano ka hor tababar la soo qaatay Jabhadda Al Nusra Front ee ka dagaalanta dalka Siiriya.