Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Masar, kaasi oo ka mid ahaa Ardayda wax ka barata Magaalada Qaahira ee xarunta Dalkaasi..

Waxaana uu tilmaamay in dilkaasi uu ka dambeeyay Nin Ajnabi ah oo baxsaday, kaas oo uu xusay in uu  ka soo jeeda Qaaradda Asia

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in dilkaasi uu ka mid ahaa Xad gudubyada Soomaalida loogu geysto Dalkaasi Masar.

Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay masuuliyad iska saaraan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, si dhibaatada lagu hayo looga dul qaado.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.