London ( Sh. M. Network )-Labo muwaadin oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo loo heysto ku lug lahaanshaha falal Argagixso ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Axmed Aways oo 32 jir ah iyo Cabdicasiis Cumar Muunye 26 jir ah ayaa ka soo muuqday Maxkamadda, kadib markii ay Ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero Argaxisada ee dalkaasi ay gacanta ku soo dhigeen muwaadiniintani Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa dhageysatay dacwadda raggani ee la xariirta Xagjirnimada, iyadoona dib loo dhigay xukunkooda, tan yo 31 Bishani Augusto oo markale loo fadhiisan doono dhageysiga dacwaddooda.

Howlgalkani ay sameeyeen Booliska gaarka ah ee la dagaalanka Argagixisada Ingiriiska  ayaa lagu xiray illaa iyo 4 qof oo midka mid ah ay tahay Haweeney 30 jir ah oo lagu eedeeynayo Argagixisanimo.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska la soo taago muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo heysto falal Xagjirnimo ah.