Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Rag hubeysan xalay Degmada Afgooye ay ku toogteen Allaha u naxariistee Nabadoon Nuuradiin Cabdullaahi Aweys oo ka mid ahaa waxgaradka Degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Nabadoonkaasi lagu dilay xaafada Ceelqode oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana lagu soo waramayaa in Raggii ka danbeeyay dilkaasi ay isaga baxsadeen goobta, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Afgooye oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi.

Ilaa iyo hada ma cada sababta ka danbeysay dilka Nabadoon Nuuradiin Cabdullaahi Aweys oo ka mid ah waxgaradka Degmada Afgooye, balse waxaa uu ka mid noqonayaa tiro waxgarad iyo cuqaal isugu jirta oo lagu dilay Degmadaasi.