Luuq ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Tuulada Haanoy oo qiyaastii 8 KM u jirta degmada Luuq lagu Gowracay Nabadoon Caan ka ahaa Gobolkaasi Gedo.

Nabadoonkan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Maxmed Cabdullaahi “ Dhafoor” ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Rag hubyeysan ku Gowraceen Tuulada Haanoy ee Gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Waxaana la sheegay in Nabadoonku uu Ganacsi ku lahaa Tuuladaasi, islamarkaana uu tagay saakay, isagoo ka ambabaxay degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Lama oga illaa iyo haatan sababta ka danbeysay Gowraca Marxuumkaasi, mana jirto cid sheegatay dilkiisa.

Balse Tuulada Haanoy iyo deegaanada ku dhow ee Gobolkaasi Gedo waxaa Gacanta ku haya Xarkada Al Shabaaab, inkastoo eysan ka hadlin arrintaasi.