Muqdisho ( Sh. M. Network )-Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goor dhow degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon lagu magacaabi jira Cumar Gelle, kaas oo si weyn looga yaqiinay Degmadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ku sugnaa Maqaaxi ku taalla Isgoyska Ex Koontaroola Balcad ee degmadaasi.

Waxaana la sheegay in dabley hubeysan ay Marxuumka ku Toogteen halkaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Illaa iyo haatan lama oga sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dilka Marxuumkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen, kuwaas baaritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.