Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay qof deegaanka ah  Nin  sitay Tooreey ayaa Nin kale oo la sheegay in uu  ahaa Walaalkiis ku dilay degmadaasi.

Labadani Nin walaalah ah oo lagu Kala Magacaabo Cali Caliyo Cabdulle oo 25 Jir ahaa iyo Bashiir Caliyow Cabdulle oo 23 jir ah ayaa  la sheegay in ay isku maandhaafeen Dhaxal ka dhexeeyay.

Waxaana la dilay Cali Caliyow  Cabdulle oo ah Labadaasi Walaalo Midka weyn, wararka qaarna waxa ay sheegayaan in Ninka wax Tooreeyay Madaxa looga jiro.

Arrintaan ayaa si weyn looga hadal hayaa Xaafadaha degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir, mana jiro faah faahin rasmi ah oo qoyska Wiilashaasi dhalinyarada ah ay siiyeen Warbaahinta.