Muqdisho ( Sh. M. Network )-Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal xalay saqdii dhexe laga fuliyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgallka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Mareykan ah, kaas oo lagu qaaday goobo ay ku suganaayeen dagaalyahannada Al Shabaab.

War ka soo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab, sidoo kale lagu dhaawacay kuwa kale.

Hay’adda NISA ayaa sidoo kale sheegtay in Raggaasi ay qorsheynayeen weeraro laga fuliyo gudaha magaalada Muqdisho.

“Howlgal uu Ciidanka amnigu ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabellaha Hoose habeynimadii 11-ka Sabtembar, ayaa israsaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Al Shabaab ah, kuwa kalana lagu dhaawacay, Raggan ayaa ku howlanaa weeraro ay ka geystaan magaalada Muqdisho, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay NISA.

NISA aya intaasi ku dartay in Ciidamadu ay dib uga soo baxeen deegaankaasi oo ay maamulaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa ka hadlay howlgalkan, waxaana warar ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ay ku sheegeen in ay ka hortageen weerarkaasi.

Warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa sidoo kele lagu sheegay in halkaasi ay ku dileen Askar ka tirsanaa Ciidamada DFS, inkasto aysan shaacin tiradooda.

Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona howlgalkan uu ku soo aadayo, xilli muddooyinkii dambe Al Shabaab ay kordhiyen weerarada ay ka geystaan M/ Muqdisho.