Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Ibraahim “Macallimu” Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ M ayaa si kulul uga hadlay Xariga Wariye Cabdishakuur Shaashaa oo lagu xiray Magaalada Jowhar ee xarunta G/ Shabeelaha Dhexe.

Macallimu ayaa marka hore Cambaareeyay falka lagu xiray Wariyahaasi oo maalintii 4-aad u xiran Maamulka Hirshabelle.

Waxaana uu sheegay in haatan Ururku uu wado dadaalo lagu sii deynayo Wariye Cabdishakuur Shaashaa.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.