Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka ONLF Cabduqaadir Sheekh Xasan Hirmooge (Cadaani) oo toddobaadkii la soo dhaafay wareysi uu siiyay Idaacadda Shabelle ku eedeeyay xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Bashiir Maxamed Jaamac Goobe ayaa raali gelin ka bixiyay eedeymahaasi.

Waxaana uu sheegay in wax lug ah eysan ku lahayn arrinta Cabdikariin Qalbi Dhagax oo uu horay ugu eedeeyay masuuliyiintaasi.

Afhayeenka ayaana si buuxda raali gelin uga bixiyay eedeyntaasi.