Boosaaso ( Sh. M. Network )- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamulka Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa beeniyay in Maamulka Puntland uu mas’uul ka yahay xirnaanshaha Suuqa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Ganacsatada Puntland iyagu Mas’uul ay ka yihiin Xirnaashaha Ganacsiga Boosaaso, maadama Dadka ay ku dalaceen Lacago, iyagoo ku andacoonaya in Canshuur lagu kordhiyay, taas oo uu wasiirka gaashaanka u daruuray.

Saciid Maxamd Raage Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Ganacsatada aan laga aqabaleyn in Dooman raran ay iska dhax yaalaan Dekedda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa xirnaa Ganacsiga Suuqa Magaalada Boosaaso xirnaanshahaas oo Ganacsatada ay u sababeeyeen Lacago Canshuur ah oo lagu kordhiyay shixnadihii ay kala soo degi lahaayen Dekedda Boosaaso.

Hoos Ka Dhageyso Codka.