Garoowe ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi ayaa go’aamo ka soo saaray Kulankooda.

Waxaana ay digniin adag ugu jeediyeen Maamulka Soomaaliland in soohdimaha Puntland aysan ku qaban karin doorashooyinkooda islamarkaana  aysan soo dhigi karin sanaadiiqdooda Cod bixinada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in go’aamadaan ay ka soo baxeen Xildhibaanada Baarlamaanka, loona baahan yahay in la dhaqan geliyo, islamarkaana Soomaaliland ay ku dadaasho is xaq dhowrka.

Soomaaliland ayaa ku guda jira Ololaha doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas, waxaana xiisado la xiriira arrimaha doorashooyinkaas laga soo sheegaya qeybo ka mid ah Gobollada Sool iyo Sanaag oo Maamulka Putland uu ka digay in lagu qabto doorashada Soomaaliland.