Garoowe (Sh. M. Network)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa si kulul uga jaawabay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxda maamulka Soomaaliland.

Waxaana uu sheegay in Soomaaliland ay meel ka dhac u geysatay dowlad goboledka Puntland, kadib markii Sanaadiiqda doorashooyinka Soomaaliland la geeyay deegaano ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiir Qarjab ayaa hoosta ka xariiqay in wixii dhib ah ee ka yimaada arrintaasi ay masuliyaddoodu qaadan doonaan madaxda maamulkaasi Soomaaliland.

Isagoo hadalkiisa sii watata ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada maamulka Puntland ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaanadaasi, kuwaasi oo ay uga hortagayaan Sanaadiiqda doorashooyinka Soomaaliland .

Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa inta badan Kilaaf waxa uu ka soo kala dhexgalaa maamulida deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Sanaag iyo Sool oo ay ka mid yihin Magaalooyinka Laascaanood, iyo Ceerigaabo.

Waxaana mid kastaa uu sheegtaa in isagu uu ka arrimayo deegaanadaasi oo uu hada ka taaganyahay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya maamuladaasi.

 

 

 

Ka Dhiibo Fikirkaada Saliim-ka Ah

Please enter your comment!
Please enter your name here