Garoowe ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland C/qaadir Saciid Carshe oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeyn kulul dusha kaga tuuray Ganasatada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Wasiir Carshe ayaa sheegay in Ganacsatadu aysan bixin Canshuuraha lagu leeyahay, si wax loogu qabto amniga iyo horumarka Puntland.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ku booriyay Ganacsatada in ay bixiyaan Canshuuraha, si ay qeyb uga noqdaan horumarka maamulkaasi.

Maalmihii dambe Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa watay qosrheyaal lagu dardar galinayo bixinta Canshuuraha, si uu u kordho dakhliga maamulkaasi Puntland.