Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Axmed Muuse Nuur oo ka mid saaraakiisha ciidamada Maamulka Puntland, horayna u soo noqday Guddoomiyihii Gobolka mudug ayaa ku eedeeyay madaxda Galmudug hurinta colaada hataan ka taagan deegaano ka tirsan Gobolkaasi Muudg.

Waxaana uu sheegay in heshiiskii dhawaan lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo uu ka dhaqan geli waayay Galmuudg, islamarkaana weerarkii ugu dambeeyay masuuliyaddiisa ay leeyihiin Maamulkaasi.

Sidoo kale Axmed Muuse Nuur oo ka mid ah saraakiisha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in Galmudug ay dooneyso in ay isku ballaariyaan guud ahaan Gobolka Mudug.

Hadalkan ka soo baxay Puntland aya imaanayo, xilli weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug, taasi oo u dhexeysa Maleeshiyaad kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo Puntland.

Waxaana midba midka kale uu ku eedeynayaa in dagaalkaasi uu ka dambeeyo, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Qof, kuna dhaawacmeen 20 kale.