Sool (Sh.M.Network) – Abuukar Cabdi Geelle, gudoomiyaha maamulka gobolka Sool ee Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyay Somaliland inay carqad ku tahay nabadii la dhex-dhigay labaddaan maamul.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in odayaal ka socda Somaliland oo ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi oo lagu heshiisiinayo Beelo walaalo ay dhex-wadaan dhibaatooyin.

Mr Geelle ayaa cod dheer ku qeexay in Odayaal dhaqameedyadda ay soo dirsadeen masuuliyiinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabaddeynta gobolka, oo colaado badan ay ka jirto.

Somaliland iyo Puntland oo ah labo maamul oo deris ah waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah, taasi oo soo jirtay tobbankii sano ee lasoo dhaafay, xili midba uu kan kale ujeedinayay eedaymo ku saabsan inuu jabinayo nabadda.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah