Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabadixakiin Xaaji Cumar Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in guulo wax ku ool ah laga gaaray Nabadda  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana uu sheegay in Shacabka iyo labada maamul Puntland iyo Galmudug ay iska kaashadeen Nabad gelyada Magaaladaasi.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabadixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa ugu baaqay shacabka in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amaanka, si looga hortago dhibaatooyinka amni ee Magaaladaasi Gaalkacyo.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa dhawaan kulamo gaar ah ka yeeshay Nabadda Gobolka Mudug, waxaana madaxda labada maamul ay isla garteen in si wadajir ah  looga hortago xiisadaha colaadeed ee ka jira Gobolkaasi.