Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa ka hadlay duqeyn dhawaan diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen fariisimo Kooxda Daacish ay ku leeyihiin Buuraleyda Gobolka Bari.

Waxaana uu tilmaamay in weerarkaasi uu ahaa mid lala beegsaday xarumo ay ku suganaayeen Ururka Daacish.

Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in u jeedka duqeyntaasi ay ahayd in lagu qaarijiyo hoggaamiyaha Ururka Daacish ee deegaanada Puntland Sheekh C/qaadir Cali Muumin, balse uu xusay inuu ka badbaaday weerarkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan weerarada ka dhanka ah Kooxda Daacish iyo duqeymaha diyaaradaha dowladda Mareykanka ee ka dhanka ah Ururkaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay muhiim tahay in 1 meel looga soo wada jeesto dagaalka Daacish, si looga saaro guud ahaan Dalka.

Dhawaan ayey ahayd markii Mareykanka uu duqeyn ka fuliyay deegaanka Buqa oo qiyaas ahaan 60 KM u jira Degmada Qandala ee Gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Daacish.