Boosaaso (Sh. M. Network)-Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay dil Shalay loogu geystay Magaalada Boosaaso guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari Khadar Ismaaciil Cabdulle.

Waxaana taliyuhu sheegay in Gacanta ay ku soo dhigeen Nin uu tilmaamay in uu ka danbeeyay dilka masuulkaasi , kaas oo uu xusay in hada uu ku xiranyahay Xabsiga dhexe ee maamulkaasi Puntland.

Sidookale taliye Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa hoosta ka xariiqay in Shaqsigaasi la horkeeni doono Cadaaladda, si looga qaado Tallaabo waafaqsan Sharciga.

Ugu danbeyntii taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Bari ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland in ay la shaqeeyaan ciidamada Amaanka, si looga hortago falalka amaan dari ee ka dhaca Magaaladaasi.