Qardho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda darajada koowaad degmadda Qardho ee gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku riday laba eedeysane oo la horgeeyay Maxkamadaasi.

Eedeysanayaasha ay Maxkamaddu xukuntay ayaa kala ah Axmed Cabdi Nuur Siciid iyo Bashiir Maxamed Siciid.

Waaxana lagu soo oogay danbi ah in ay dileen Marxuum Cabdiraxmaan C/laahi Axmed Qaytoor, kaas oo dhawaan Meydkiisa laga helay waddada laamiga ah ee u dhexeysa magaalooyinka Garoowe iyo Qardho ee maamulkaasi Puntland.

Halkan hoose ka Akhriso:-