Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta la filayaa in qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada ahaa ee dhawaan loo qaaday Dalka Turkiga dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo daaweeyay Dalkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliyada Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow” ayaa Bartiisa gaarka ah ee Bulshada ku xaqiijiyay in qaar ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Dalkaasi Turkiga maanta dib loogu soo celinayo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaana uu uga mahadceliyay dowladda Turkiga, sida walalatinimada leh ee ugu soo gurmartay dadkii ku dhawaacmay qaraxii Zoobe.

Dalka Turkiga ayaana noqday Dalkii ugu horreeyay oo gurmad Caafimaad iyo Dhaqaatiir u soo dira Soomaaliya, kadib qaraxii 14 kii bishii hore ka dhacay Isgoyksa Zoobe ee Magaalada Muqdisho.