Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa Saakay xiran qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaana Isgoysyada waa weyn ee M/ Muqdisho lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo si weyn u xaqiijinaya ammaanka.

Gawaarida dadweynaha ee BL-ka iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa loo diidayaa in ay maraan Waddooyin muhiim u ah isku socodka Gaadiidka.

Xirnaashaha Waddooyinka ayaa la xariirta 8 February oo ah maalintii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo haatan laga joogo muddo 1 Sano.

Waxaana la filayaa in goor dhow munaasabd loogu dabaal dagayo maalintan ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa maalintii 3-aad M/ Muqdisho ka soconaya Shirka Golaha Amniga Qaranka oo u dhaxeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Waxaana furitaanka shirkan isna loo xiray qaar ka mid ah Waddooyinka, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka ku nool guud ahaan magaalada Muqdisho.