Kismaayo ( Sh. M. Network )-Waxaa si weyn magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose looga dareemayaa qaban qaabada doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka.

Kursigan ayaa horay waxaa uga Geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirkii howlaha guud ee XFS Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in doorashada Kursigan Beri lagu qaban doono M/ Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Waxaana ay tilmaamtay in la diyaariyay Ergadii ka qeyb gali lahayd doorashadaasi, iyo howlkii lagu qaban lahaa.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.