New york( Sh. M. Network )- Wakiilka qaramada midoobay ee Somaliya ee waqtigiisa uu sii dhamanaayo Micheal keating ayaa ka digay dib u dhac siyaasadeed oo ay wajahdo Soomaaliya

Mr keating oo warbixintiisi ugu dambeysay siiyey golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyey khilaafka dhawaan soo kala dhexgalay dowladda goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka ah ee Somaliya.

Wakiilki hore  ayaa sheegay in muranka siyaasadeed  dalka u horseedi karo db u dhac xoogan isagoo hoosta ka xariiqay in is qab qabsiga uu dalka galay ay  fursad u tahay in ay sare u kacdo weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan somaliya

Mr Micheal Keating ayaa dalalka beesha caalamka ugu baaqay in kordhiyaan taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda federaalka ah ee Somaliya si looga baaqsado dib u dhac hor leh.

Keating ayaa dhinaca kale tilmaamay in dad gaaraya 2.6 Million  oo Somali ah in ay u baahan yihiin gargaar bani’aadinimo isagoo dalalka deeqaha bixiya ka dalbaday in gaarsiiyaan gargaar deg deg ah.

Micheal Keating ayaa ugu dambeyn sheegay in mustaqbalka dalka uu ku jiro gacmaha hogaamiyayaasha siyaasadda ee Somaliya

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa dhawaan wakiilka qaramada midoobay usoo magacaabay muwaadin u dhashay dalka Koofur Afrika oo badali doona Micheal Keating.