Lamu (Sh M Network)—Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Qarax miino nuuca dhulka lagu aaso ah, taasi oo Ciidamada Kenya lagula eegtay magaalada Lamu ee Dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Lamu, a Larry Kieng ayaa xaqiijiyay in Qaraxa lagu beegsday mid ka mid Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Dowladda Kenya.

Taliye Larry Kieng ayaa xusay in Qaraxaasi uu ka dhacay Degaanka Maraani ee Magaalada Lamu, isagoona xusay in hal askari uu ku dhintay, labo kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Waxaa Taliyaha uu shaaca ka qaaday in 5 kale oo ka mid ah Ciidamada Booliska la la’yahay kadib Qaraxaasi, isagoona qeexay in ay socdaan howlgallo baaritaano ah.

Dhaawaca askartan ayaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu soo dabiibo.

Weli majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Lamu ee Dalka Kenya.

Balse Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro dhowr ah oo sababay khasaaro nafeed waxey siyaabo kala duwan uga fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Dalkaasi.

Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa tiro dhowr jeer ku celcelisay in aysan joojin doonin Weerarada ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah Dalka Kenya, ilaa Xukuumadda Nairobi ay kala baxdo Ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.