Kismaayo (Sh M Network)–Ugu yaraan labo Ruux ayaa ku dhimatay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Qarax miino uu haleelay gaari ay la socdeen Dad shacab ahaa oo mararay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa Gaari nuuca xamiuulka qaada waxuu ku haleelay Degaanka Kambooni ee Duleedka Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo midi haweeney tahay ay ku dhinteen Qaraxaasi.

Gaarigan ayaa ku soo wajahnaa Magaalada Kismaayo markii uu Qaraxa dhacayay, sida uu sheegay goobjoogahan.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.