Lamu (Sh M Network)—Warar dheereed ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax miino oo ka dhacay Magalada Lamu ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada Amaanka ee Magaalada Lamu, Joseph Kanyiri ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xoogan, islamarkaana la doonayay in lagu beegsado Xubnaha ka qeyb galaya doorashada Madaxtinimo ee Dalkaasi.

Waxaa uu xusay in waxyaabaha qarxa la dhigay waddada qarkeeda, si ay waxyeello uga soo gaarto qaar ka mid ah Dadkii codkood dhiibanayay.

Taliyaha ayaa xusay in labo Ruux oo shacab ah uu dhaawac ka soo gaaray Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Lamu.

Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa Weeraro dhowr ah waxey ka fuliyeen Dalka Kenya, iyadoona xusid mudan in boqolaal qof ay ku dhinteen Weeraradaasi oo intooda badan ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.