Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo Barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka  Mudug.

Qaraxa ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray taliyaha Saldhiga Suuqa Gaalkacyo ee Puntland Cali Ibraahim Cali, kaas oo Saacado, kadib u geeriyooday dhawaac ka soo garay qaraxaasi.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana Barahooda Internet-ka ay ku baahiyeen in ay ku dileen Sarkaalkaasi ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Maamulka Puntland.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Puntland oo ku aadan qaraxan.

Balse Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Inkastoo saraakiishu aysan faah faahin ka bixin baaritaanadaasi in dad lagu soo qab qabtay iyo inkale.