Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinoo dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in la hoos galiyay Gaari Gacan la soo dhigay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay illaa 3 Qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo uu mid ka mid ah ahaa Askari ka tirsan Ciidamada canshuuraha qaada ee loo yaqaano Minashiibiyo.

Illaa iyo hadda ma jiro war ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi iyo cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Balse qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal amaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayay gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.