Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax aad u xoogan oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu dhuftay ilinka hore xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Shabelle aya sheegay in qaraxa kadib rasaas xoogan laga maqlay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona gaadiidka Ambalaaska ay gurmad deg deg ah ka wadaan halkaasi.

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.