Muqdisho ( Sh.M.Network)-Qaraxani oo loo adeegsaday Gaari Nuuca Raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hor ee Hoteel Naasa Hablood 2 oo u dhow Tiyaatarka Qaranka.

Ma Cadda Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi balse Goob Joogayaal ayaa Shabelle u xaqiijiyay in ay arkayeen Uuro xoogan iyo dab qabsaday kaalin Shidaal oo meesha wax ka dhaceen u dhow.

Hoteelka Naasa Hablood iyo Aaga wax ka dhaceen ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee Magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha kala soco Radio Shabelle.com.