Muqdisho ( Sh.M.Network):-Dhowr Qarax ayaa waxa ay ka dhaceen Afaafka hore iyo dhabarka dambe ee Xiga wadada Aada Ar-Portka ee Hoteel Saxafi.

Warar hor dhac ah oo Shabelle ay ka heleyso meesha wax ka dhaceen ayaa sheegaya in Qaraxa 1aad uu  ka dhacay iridda dambe ee dhinaca Air-Portka Aada Hoteel Saxafi , halka 2 qarax kale ay ka dhaceen wadada Hor marta CID-da iyo Hoteel Saxafi.

Wariyayaal  Shabelle ka tirsan oo meesha wax ka dhaceen ku sugan ayaa soo warinayaa in Indhahooda ay qabteen Meydad iyo dhaawacyo aysan cayimin weli Xaddigooda.

Sidoo kale Wariyayaasha Shabelle ayaa soo warinaya in haatan la arkayo Ciidamo kuwa dowladda ka tirsan oo saraan Dusha Sare ee Hoteelka Saxafi.

Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com.