Doha ( Sh.M.Network)-Dowladd` Qatar ayaa Cambaareysay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka  dhacay Jimcadii ` Masjid ku yaalla Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Weerarkaas  ayaaa waxaa ku dhintay illaa 4 qof oo Askar ay ka mid yihiin,iyadoona Wasaaradda `Arrrimaha Dibadda `Qatar war ka soo baxay lagu sheegay in dowladda Qatar ay Cambaareyneyso weerarkaas oo ay ku sheegtay Mid Argagixiso.

Dowladda` Qatar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in  la Bartilmaamsado Goobaha lagu  Cibaadeysto.

Waxaana ay uga Tacsiyeesay` Dowladda  Soomaaliya iyo Ehellada dadkii wax ku noqday weerarkaasi.