Doha ( Sh. M. Network )-Dowladda Qatar oo ka mid ahayd dalalka ka qeyb galayay shirka looga hadlayay abaaraha Soomaaliya oo ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa ka hadashay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladaha Soomaaliya

Shirkaasi oo uu dowladda Qatar u matalayay agaasimaha waaxda xiriirka dibadda ee wasaarada arrimaha dibadda ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la dhowro madaxbanaanida iyo shafarka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Tariq Cali Al Ansari agaasimaha xiriirka dibadda ee Qatar ayaa dalalka caalamka ugu baaqay in ay malgashi ku Sameeyaan Soomaaliya, si ay u gaarto isku filnaansho dhinaca dhaqaalaha ah.

Mr Tariq ayaa xusay in dowladda Qatar ayaa door  weyn ka qaadatay mashaariic badan oo laga fuliyay Soomaaliya, gaar ahaan. xilligii abaartii 2011-kii oo galaafatay nolosha kumanaan Soomaali ah.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in Qatar ay sidoo kale taageero wax ku ool ka geysatay ammaanka iyo xasiloodinada dalka iyadoo si gaar ah uqu qeyb qaadatay caawinta Ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ugu dambeynti ayaa waxaa dowladda Qatar ay sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada bani’aadinimo iyo mida horumarineed ee Soomaaliya oo xilligan ay ka taagan tahay abaaro xoogan oo sameyn ku yeelatay nolosha 5.4 Milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’aadinimo.