Kismaayo ( Sh. M. Network )-In ka badan 300 oo Qoys oo ka mid ahaa Qaxootiga Soomaalida ee ku jiray Xeryaha Kenya ayaa waxa ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka.

Qoysaskani ayaa waxaa ay ka soo gudbeen Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyagoona soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Waxaana la sheegay in Qoysaskaasi ay si iskood ah uga soo laabteen Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya oo ay muddo ku noolaayeen.

Maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in Qoysaskaasi markii ay soo gaareen Kismaayo ay dib u dajin u sameeyeen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Jubbaland soo gaarayay Qaxooti fara badan oo ka soo laabayay xerayaha Dhadhaab ee dalkaasi Kenya.