Muqdisho ( Sh. M. Network )-Murugo iyo Niyad Jab tii ugu weyneed ayaa waxa ay la soo daristay Shaqaalihii hor ee Bank-ga Dhexe taas oo walaac iyo Jahwareer ku heysay Shaqaalaha Waayeeloobay oo ahaa dadkii shaqadooda ka billaabay Bank-ga Dhexe xilligii uu shaqa billaabay ee ku beegneed 1955.

Waa Intii Waddanku Gumeysiga ku jiray oo Gobonimoba la qaadan.

Iyadoo arrinkaas dhowr jeer oo hore laga baahiyay Warbaahinta ayaa hadda waxaa dhacday in Shaqaaluhu arrintaan ay kala fariisteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayna tuseen sifada ay ku yeesheen guryahaas oo lacagtoodii Howlgabka ahayd laga jari jiray illaa ay ka dhamaato iyo Docoments badan oo ay ku jirto Xukunkii Maxkamadda sare ay u xukuntay.

Markuu Madaxweynuhu arkay arrimahaas wuu garwaaqsaday wuxuuna  u sheegay shaqaalihii hore ee Bank:-ga Dhexe  in aan hantida shacabka la boobi karin ayna ka mid tahay waxyaabihii ay ku dhaarteen.

Nasiib darro waxaa dhacday in uu Madaxweyne Farmaajo hadalkiisa aysan meelna ka soo qaadin Masuuliyiinta Bank-ga Dhexe

Ugu dambeyn waxa ay shaqaalihii hore ee Bank-ga dhexe ka codsanayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Guddoomiyaha Baarlamaanka , Xildhibaanada , Guddoomiyaha Gobolka Banaadir , Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Kan Nabad Sugida  in ay arrintaas si deg deg ah u soo fara geliyaan.