New York ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Lacag gaareysa hal bilyan oo Dollar ka dalbaday Sanduuqa gargaarka deg deg ah ee Qaramada Midoobay, si loogu gargaaro Dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Mr Guterres ayaa xusay in Dalalkaasi ay soo wajahday Abaaro iyo Colaado xoogan oo saameyn daran ku yeeshay nolosha Malaayiin ruux.

Waxaana uu sheegay in Lacagtaasi lagu badbaadin doono dadka nugul oo ay qeyb ka yihiin Caruur badan oo la soo daristay Nafaqo daro xoogan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u mahadceliyay 126 Dal oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo waliba Dalalka deeqaha bixiya oo inta badan uruuriyo Lacagaha lagu bixiyo gargaarka bani,aadanimo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Sannadkan Sanduuqa gargaarka deg deg ah oo ka tirsan hay’adda UNOCHA in uu soo uruuriyay Lacag gaareysa 130 Milyan oo Dollar oo lagu samata bixiyay Dalalka Nigeria, Somalia, Suudaanta Koofureed iyo Yemen oo ay ku dhufteen Abaaro xoogan.

Dhawaan ayaa waxaa Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ugu deeqday 12.3 Milyan oo Dollar oo lagu tala galay in gargaar lagu gaarsiiyo dadka ay ku dhufteen Abaaraha ee ku dhaqan gudaha Soomaaliya.