Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan dhaqaalo xumada soo wajahday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda Soomaaliya.

Danjiraha QM u fadhiya Xarunta Midowga Afrika, Haile Menkerios ayaaa waxuu sheegay in ay soo gaartay codsiyo ka imaanaya howlgalka AMISOM.

Waxaa uu sheegay in howlgalka uu wajahayo dhaqaalo la’aan, balse waxuu shaaciyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhaqaalo xumida heysta howlgalka AMISOM.

Hadalkan ayaa Danjire Haile Menkerios waxuu ka jeediyay shir Ururka Midowga Afrika iyo Xubno ka socda Golaha Amaanka ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in dhaqaalaha howlgalka AMISOM uu yahay mid aan ku filneyn howlaha ka socda Soomaaliya.

Kumanaan askari oo ka soo jeeda dalal dhowr ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo wada howlgallo lagu soo celinayo Nabadda Soomaaliya.