New York (Sh M Network)—Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujineysa qorshaha Dowlada Mareykanka ay dhaqaalaha uga dhimeyso ilaa 16 howlgal oo dhanka Nabad Ilaalada ah, kuwaasi oo 9 ka mid ah  haatan ka socda Dalalka ku yaalla Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhimi doonto dhaqaalaha ay ku bixiso howlgalladaasi oo hoostaga Qaramada Midoobay.

Xukuumadda Washington ayaa shaacisay in $600 oo malyan oo doolar ay ka dhigeyso dhaqaalaha ay ku bixineyso howlgalladaasi, halka markii hore uu ahaa $7.87.

Dhiniciisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorsha Dowladda Mareykanka ay ku yareeneyso dhaqaalaha ay siiso howlgallada QM.

Guterres ayaa ka digay dhimista dhaqaalaha loogu talagalay howlgallada ka socda dalal badankood ku yaalla Afrika.

Waxaa uu xusay in qorshaha Mareykanka ee ku aadan dhaqaalo dhimista ay sameeyn ku yeelan karto howlgallada Nabad ilaalinta ee haatan sida habsida leh u socda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qiray in ay jiraan eedeymo loo jeedinayo howlgallada socda qaarkood, maadaama, buu yiri Ciidamada Nabad Ilaalada siyaabo kala duwan loogu eedeeyo tacadiyo.

Dhinaca kale, Madaxa Waaxda howlgallada Nabad Ilaalada ayaa waxuu qiray in ay cadaadis dhanaka dhaqaalaha uu soo foodsaaray, balse waxaa uu qeexay in marna aysan saameyn ku yeelan doonin wax ka qabashada eedeymaha haatan jira.

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Mareykanka uu shaaciyay in 1 malyan oo doolar uu ka dhimi doono dhaqaalaha uu Qaramada Midoobay ku siiyo howlgallada Nabad Ilaalada.