New York ( Sh. M. Network )-Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in dhaqaalaha xoogan ee ku baxa la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida loo wareejiyo Ciidamada Badda Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka Xeebaha dalka.

Kadib shir aan caadi aheyn oo ay  iskuugu yimaadeen Wakiilo ka Kala socda in ka badan 60 dal oo looga hadlay la dagaalanka Burcadbadeeda ayaa lagu soo gagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, Wakiilo laga soo kala xulay hay,ado kala duwan iyo Quburo dhanka Amniga ah, waxaana intii uu socday diirada lagu saaray sidii istaratiijiyad cusub loogu wajihi lahaa la dagaalanka  Burcadbadeeda Soomaalida.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ee waaxda la dagaalanka Burcadbadeeda Jaime Serpanchy ayaa sheegay in ammaanka Xeebaha Soomaaliya uu haatan soo hagaagayo, ayna hoos u dhaceen weeraradii Burcadbadeeda, islamarkaana loo baahan yahay in kharashaadka ku baxa la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida loo wareejiyo Ciidamada Badda Soomaaliya, si ay uga hortagaan dambiyada kale ee ka dhaca Xeebaha dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa kharashaadka ugu badan ku bixiya la dagaalanka Burcadbadeeda oo si weyn dhibaato uhu haya Biyaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan intaba.