Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga taageero dib u dhiska Ciidanka iyo Xoojinta Ammaanka.

Mr Keating oo  ka hadlayay xafaddii Caleema Saarka ee Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya oo yeelata Ciidan xoogan ay muhiim u tahay Xasilinta Ammaanka Dalka iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in xilligan dowladda Soomaaliya ay baahi weyn u qabto in laga taageero  dib u dhiska ciidanka, shaqo abuurka Dhalinyarada, hormarinta Dhaqaalaha, iyo ka hortaga Abaaraha soo noq noqday Soomaaliya.

Waxaana uu ku baaqay in dadka Soomaaliyed ay Midoobaan, islamarkaana ay hal meel uga soo jeestaan afkaarta khaldan ee lagu dhex beerayo, sida u hadalka u dhigay.

Hadalka Keating a ayaa imayanayo, xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada dalka , kuwaasi oo isku maan dhaafay khilaafka Wadamada Khaliijka.