Kampala ( Sh. M. Network )-Kadib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda wadamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayey ugu baaqeen Qaramada Midoobay in ay ka laabato Qaraarkeedii ahaa in Ciidamada AMISOM ay iskaga baxaan Soomaaliya Sanada 2020-ka.

Shanta dal ee ay Ciidamada AMISOM ka socdaan ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay sii wadida dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya iyo in ay ka caawiyaan DFS dagaalka ay kula jirto Xarakada Al Shabaab.

Basle waxa ay shegeen in looga baahan yahay QM in ay ka laabato Qararkii bishii Augusto ee Sanadkii hore, kaas oo ahaa in la dhimo Ciidamada AMISOM ee ka howlaga Soomaaliya iyo in ay guud ahaan isaga baxaan dalka.

Dalalka Burundi, Uganda, Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia ayaa isku raacay Qaraarka Qaramada Midoobay in uu ahay mid dhabar jab ku ah guulo waa weyn oo ay sheegeen in AMISOM ay ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al Shabaab ku dhawaad muddo 10 Sano ah oo ay ka howlgalayeen Soomaaliya.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdiisa ay xooga saari doonto sidii looga guuleysan lahaa Dhaq Dhaqaaqa Al Shabaab.

Waxaana uu ballan qaday madaxweyne Famaajo in uu dhisayo Ciidamo Qaran, kuwaasi oo  awood u yeelan doona in ay hantan ammaanka dalkooda.

Shirkani ayaa waxa marti galisay Uganda oo ah Dowladda Ciidamada uga badan ay ka joogaan Soomaliya.