Geneva (Sh. M. Network)-War ka soo baxay Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayaa lagu sheegay in in Cudurka Dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddada sadexdii Sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxa Hay’adda WHO ayaa xusay in markan lagu Guuleystay cirib tirka Cudurka Dabaysha, waxuuna intaasi ku daray tan iyo 2014-kii in aan Soomaaliya lagu arkin wax kiis ah oo ku aadan Cudurkaasi.

Guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurka Dabaysha ayaa ku timid dadaallo badan oo qaarkood ay sameeyeen WHO.

Shalay ayey aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Mira Dhalka dadaalladii lagu dabar- goynayey Cudurka Dabaysha.