Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la wiiqay awooda Xarakada Al Shabaab marka la eego xaga siyaasadda,dhaqaalaha iyo Ciidamada sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay.

Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna madaxa howlgalka UNSOM ee Soomaaliya Micheal Keating oo warramayay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in Al Shabaab aysan sidii hore u awood badneyn.

Mr keating ayaa xusay in uu hoos u dhacay dhaqaalihii soo gali jiray Xarakada Al Shabaab oo dagaallo xoogan kula jiray Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Wakiilka ayaa tilmaamay in Al Shabaab ay saameyn xoogan ku yeelatay duqeymaha dhinaca cirka oo ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen Soomaaliya iyo sidoo kale oo howlgallo gaar ah oo si wadajir u sameeyeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomalaiya.

Mareykanka ayaa sheegay in Sanadka hore ay Soomaaliya ku dileen 200 oo dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, inkastoo Xarakada Al Shabaab ay beeniyeen in dagaalyahanno looga dilay weerarada diyaaradaha Droneska Mareyanka ay ka fuliyaan Koonfurta Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa weli Soomaaliya ka wada weerarada ay ku qaadaan Ciidamada howlgalka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.