Bankok ( Sh. M. Network )-Qaramada Midoobay ayaa ka dalbatay dowladda Thailand in ay xasbiga ka sii deyso ku dhawaad 40 Qof oo ka soo kala jeeda dalalka Pakistaan iyo Soomaaliya, kuwaas oo Qaxooti ku ah dalkaasi Thailand.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ka dalbatay Thailand in ay sii deyso dadkaasi oo iskugu jira Rag, Caruur, iyo Dumar, kuwaasi oo ay Booliska Dalkaasi ku soo qabteen howlgallo lagu baacsanayay dadka Ajaaniibta ah.

UNCHR ayaa sheegtay in dadka la xiray ay ka mid yihiin 19 Caruur ah oo ay 6  ka mid ah Caruurtaasi yihiin Soomaali.

Waxaana ay xustay in aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay ka codsadaan madaxda  Dalka Thailand in la sii daayo dadkaasi, balse ay iska Indho tireen Codsigooda.

Bishii aynu soo dhaafnay ayey ahayd, markii Booliska Thailand ay howlgallo raaf ah ka sameeyeen Magaalada Caasimadda ah ee Bankok, kuwaas oo lagu soo qab qabtay dadka Magangalyo doonka ah ee ku sugan Dalkaasi.