Washington (Sh. M. Network)-Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay Qatarta muuqata ee Xarakada Al Shabaab iyo Xoogaga Daacish ee ka howlgalla Deegaano dhaca Maamulka Puntland.

Warbixin ka soo baxday Qubaro ka mid ah Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in Xarakada Al Shabaab weli ay ku xoogan yihiin qeybo ka mid Koonfurta Soomaaliya.

Qubaradan ayaa sidoo kale warbixintooda ku daray Dagaalyahano hubeysan oo dhawaan ku dhawaaqay in ay ka mid yihiin Daacish ay ku sugan yihiin Deegaano hoostaga Maamulka Puntland.

Qoraalkan ayaa lagu shaaciyay qiyaas ahaan 6 kun ilaa 9 kun in ay dhan yihiin guud ahaan Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Daacish ee Deegaanada Puntland.

Ugu dambeyn, warbixinta ka soo baxday Qaramada Midooby ayaa lagu xusay in weli ay muuqato Qatarta Xarakada Al Shabaab, maadaama Xarakada ay sheegatay weeraro dhawaan siyaabo kala duwan uga dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ka Dhiibo Fikirkaada Saliim-ka Ah

Please enter your comment!
Please enter your name here