New York ( Sh. M. Network )-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Daacishta ku sugan Soomaaliya in ay ka barbar dagaalamaan Ajaaniib dhowr ah, oo aysan shaacin dalalka ay ka soo jeedaan.

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in duqeyntii Mareynkanku uu ka fuliyay Puntland uu ku ku guul dareystay in uu ku dilo Sheekh Cabduqadir Cali Muumin oo ah madaxa ugu sareeya  kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya, sida warbixinta lagu yiri.

Balse diyaaradaha Mareykanku ay duqeyntaasi ku dileen ku dhawaad 20 ka tirsanaa dagaalyahannada Daacish.

Sidookale warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxda Daacish ay ka mid yihiin dagaalyanahanno ka soo jeeda dalka Yemen, kuwaas oo fadhigooda yahay Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Dhawaan ayey ahayd markii Mareykanku duqeymo dhanka cirka ahaa uu ka fuliyay Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo uu sheegay in uu kudilay tiro ka tirsanaa dagaalyahannada Ururka Daacish.